Zusammen sicher in der Schweiz

Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland

Soo-dhawaada!

Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.

Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.

Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.

Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa

  • Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
  • Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
  • Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
  • Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.

Aroosyada qasabka ah iyo guurka qasabka ah

Wadanka Switzerland, qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto inuu guursado iyo in kale iyo cida uu guursanaayo. Lamaaneyaasha qaniisiinta ah waa sharci. Waa sharci daro in la qasbo ama cadaadis la saaro dadka kale. Guurka ka dhasha cadaadiska ama qasabka ah ayaa loo aqoonsanayaa mid aan jirin. Waxaa intaas dheer, qof kasta wuxuu xor u yahay inuu guurka ama xiriirka ku sii jiro ama ka baxo.

Waxaad u sheegi kartaa qof aad ku kalsoon tahay ama waxaad la xiriiri kartaa xarunta caawimaada haddii adiga ama qof aad taqaano lagu qasbaayo guur ama lagu qabo qasab.

Help and advice

Diese Seite verwendet Cookies. Erfahren Sie in unserer Datenschutzerklärung mehr darüber, wie wir Cookies einsetzen und wie Sie Ihre Einstellungen ändern können: Datenschutzerklärung