Zusammen sicher in der Schweiz

Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland

Soo-dhawaada!

Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.

Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.

Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.

Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa

  • Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
  • Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
  • Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
  • Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.

Fawdaynta nabadgalyada iyo abuurista buuq habaynkii

Waa muhiim inaad aamusto habaynkii gudaha wadanka Switzerland. Xeerar ayaa jira si loo ilaaliyo in qof kasta uu nasto kuna raaxaysto nabadgalyo. Sidaas awgeed waa mamnuuc inaad qaylo bilaa macno ah samayso habaynkii.

Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa

Wakhtiga aamusnaanta ayaa caadiyan ka biloowdo 10 fiidnimo. Tan ayaa ka dhigan inay qasab tahay inaad iska ilaaliso samaynta qaylada, sida dhagaysiga muusig qaylo dheer ama hadalka codka dheer, laga bilaabo wakhtigaan. Tan ayaa qusaysa guriga iyo sidoo kale goobaha dadwaynaha. 

Help and advice

Diese Seite verwendet Cookies. Erfahren Sie in unserer Datenschutzerklärung mehr darüber, wie wir Cookies einsetzen und wie Sie Ihre Einstellungen ändern können: Datenschutzerklärung