Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland
Soo-dhawaada!
Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.
Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.
Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
- Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
- Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
- Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.
Rabshad ka jirta qoys
Rabshada qoyska ayaa ka dhex dhacda qoyska ama lamaanaha waa danbi ciqaab lagu mutaysto wadanka Switzerland. Tan waxaa ku jira bahdilaad, qaadasha lacagta, aflagaadada, rabshada xun ee jirka, kufsiga galmada iyo sidoo kale qasabka qofku kula kaco ilmihiisa, waalidiinta ama lamaanaha. Gudniinka hablaha ama dumarku sidoo kale waa mamnuuc, si lamid ah guurka qasabka ah iyo rabshada lagu gaysto magaca «sharaf dhawr».
Dhibaneyaasha ama shaqsiyaadka ka warqaba rabshada qoyska (tusaale, carruurta, dariska ama saaxiibada) waa inay u sheegaan booliiska, kuwaasoo waajib sharci ka saaran yahay qaadista talaabo.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Dalbo caawimaad. La hadal shaqaalaha xarunta caawimaada ama sarkaalka booliiska.
- Ogoow xili hore meesha aad ka helayso caawimaad haddii xaalad degdeg ah dhacdo, tusaale xaafadaada.
- Baro lambarada muhiimka ah, sida booliiska (lambarka xaalada degdega ah 117) iyo dadka aad ku kalsoon tahay, soona dhawayso.
- U dhiibo dukumiintiyada muhiimka ah ee kugu saabsan adiga iyo carruurtaada qof aad ku kalsoon tahay.
Dadka aan doorka tooska ah ku lahayn
- Marka ay dhacaan xaalado degdeg ah: ha isgelin khatar. U sheeg booliiska isla markaba adoo wacaaya lambarka xaalada degdega ah ee 117.
- Marka aad ka shakido rabshada qoyska: la hadal qofka aad uga shakisan tahay. U yabooh qofkaan inaad u raacayso xarunta caawimaada ama booliiska.
Marka loo yeero, booliiska ayaa qof rabshada kiciyay ka kaxayn kara dhismaha kana mamnuucaaya inuu soo laabto dhawr maalmood.
Hooy
Lamaanaha guurka iyo carruurta khatarta wayn ku jira ayaa la gayn karaa hooy, goob qarsoodi ah. Waxay goobtaas ku joogi karaan si bilaash ah. Xataa ragga ayaa la gayn karaan meel amaan ah.
Xaqa daganaanshaha
Xubnaha qoyska ee ku soo biira lamaanaha jooga Switzerland xili danbe kadibna ay rabshad la kulma ayaa iskaga tagi kara lamaanahaan oo heli kara ogolaanshahooda gaarka ah ee rasmiga ah. Sababtaan awgeed, waa inay qoraan waxa ku dhacay ayna keenaan cadeynta caafimaadka iyo warbixinnada kasoo baxay booliiska iyo xarumaha talo bixinta rabshada.

Help and advice
Emergency assistance (free numbers 24 hours a day)
Die Dargebotene Hand – anonymous help for adults | Tel. 143
Pro Juventute – anonymous help for children and teenagers | Tel. 147
General and legal advice
Swiss refugee council | Tel. 031 370 75 75
Frabina – counselling for binational couples and families | Tel. 031 381 27 01
Advice in cases of domestic and sexual violence
Forced Marriage Service | Tel. 0800 800 007 (in German, French and Italian)
Professional association of counselling against violence – Help for perpetrators of violence (in German and French)
National competence centre for violence-free ageing | Tel. 0848 00 13 13 (in German, French and Italian)
Radicalisation and extremism
Contact points Radicalisation and extremism
Racism / Discrimination
LGBTIQ-Helpline | Tel. 0800 133 133
Counselling network for victims of racism (in German, French and Italian)
Reporting plateform for Online Racist Hate Speech
Foundation against racism and anti-Semitism (in German and French)