Zusammen sicher in der Schweiz

Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland

Soo-dhawaada!

Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.

Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.

Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.

Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa

  • Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
  • Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
  • Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
  • Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.

Asal raacnimada iyo xadjirnimada

Xadjirnimada ayaa timaada marka qofku uu yeesho fikradaha xadjirnimada kuwaasoo ku abuuraaya inuu rabshad gaysto. Xadjirnimada waxaa keeni kara sababo siyaasadeed, kuwo bulsho, kuwo fikradeed ama kuwo diineed. Da’yarta, si gaar ah, ayaa si fudud xadjir looga dhigi karaa.

Calaamadaha lagu garan karo xadjirnimada waxaa kamid ah isbadellada ku dhaca shaqsiyada ama qaab nololeedka, ka eegida aduunyada keliya hal dhinac, u riyaaqida rabshada xadjirnimada iyo/ama faafinta muuqaallada dhibaatada abuuraaya.

Waxaan kugu boorinaynaa inaad la xiriirto la taliye, xarunta caawimaada ee maxaliga ah ama booliiska haddii aad ogaato isbadellada noocaas ah oo ku dhacay qof kuu dhow. Tan ayaa ka hortagi karta dhibaatooyinka biloowgooda hore.

Help and advice

Diese Seite verwendet Cookies. Erfahren Sie in unserer Datenschutzerklärung mehr darüber, wie wir Cookies einsetzen und wie Sie Ihre Einstellungen ändern können: Datenschutzerklärung