Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland
Soo-dhawaada!
Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.
Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.
Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
- Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
- Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
- Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.
Ku noolaanshaha nabadgalyo adoon hub haysan
Waa mamnuuc inaad sidato ama qaadato hub, mindiyaha mamnuuca ah iyo agabka khatarta ah oo loo adeegsan karo khatar gelin ama dhaawicida dadka kale. Booliiska ayaa la wareegi doona agabka noocaas ah.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Mindiyo kasta uga soo tag guriga. Tan ayaa kaa difaacaysa inaad damacdo adeegsiga mindidaan haddii xaalad rabshad leh dhacdo. Sidashada mindidu ma ahan nooc difaac waayo si fudud ayaa adiga laguugu adeegsan karaa sidaas awgeedna khatar ayay ku gelinaysaa.
- Xasuusnoow: sidashada mindi ayaa noqon karta fal danbiyeed.
Haddii qof kuugu hanjabo mindi
- Ha iskudayin inaad la dagaasho.
- Iskuday inaad ka cararto.
- Isla markaba wac lambarka xaalada degdega ah ee 117.
Muhiim ah: Xataa mindiyaha yaryar ayaa abuuri kara dhaawacyo xunxun ama xataa geeri.

Help and advice
Emergency assistance (free numbers 24 hours a day)
Die Dargebotene Hand – anonymous help for adults | Tel. 143
Pro Juventute – anonymous help for children and teenagers | Tel. 147
General and legal advice
Swiss refugee council | Tel. 031 370 75 75
Frabina – counselling for binational couples and families | Tel. 031 381 27 01
Advice in cases of domestic and sexual violence
Forced Marriage Service | Tel. 0800 800 007 (in German, French and Italian)
Professional association of counselling against violence – Help for perpetrators of violence (in German and French)
National competence centre for violence-free ageing | Tel. 0848 00 13 13 (in German, French and Italian)
Radicalisation and extremism
Contact points Radicalisation and extremism
Racism / Discrimination
LGBTIQ-Helpline | Tel. 0800 133 133
Counselling network for victims of racism (in German, French and Italian)
Reporting plateform for Online Racist Hate Speech
Foundation against racism and anti-Semitism (in German and French)