Zusammen sicher in der Schweiz

Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland

Soo-dhawaada!

Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.

Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.

Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.

Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa

  • Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
  • Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
  • Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
  • Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.

Badqabka wadada

Xeerarka qaar ayaa jira si loo xaqiijiyo in qof kasta u adeegsado wadooyinka dadwaynaha si amaan ah. Waa inaad ilaalisaa xeerarkaan marka aad lugaynayso, baaskiil wado, ama wado gaari aadna wadada la hayso gaariyaasha kale. Si la iskaga ilaaliyo shilalka, waa muhiim in dhammaan dadka wada isticmaalaaya ay u dhaqmaan si xushmad leh oo ku dayasho mudan ayna ixtiraamaan dadka kale iyo gaariyaasha.

Lugaynaaya

Baaskiil wada

Tixgelinnada kale ee muhiimka ah, sharciyada iyo calaamadaha

Help and advice

Diese Seite verwendet Cookies. Erfahren Sie in unserer Datenschutzerklärung mehr darüber, wie wir Cookies einsetzen und wie Sie Ihre Einstellungen ändern können: Datenschutzerklärung