Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland
Soo-dhawaada!
Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.
Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.
Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
- Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
- Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
- Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.
Booliiska maalinlaha ah
Switzerland waa wadan amaan ah. Saas oo ay tahayna, danbiyo waa dhacaan, tusaale ahaan
- goobaha dadwaynaha sida beeraha raaxada, maqaayadaha, tareennada, basaska iyo boosteejada tareenka,
- goobaha gaarka loo leeyahay sida guriga, laakiin sidoo kale waxay ka dhacaan dugsiga ama goobaha shaqada, ama
- oonlaynka.
Waa shaqada booliiska inay difaacaan qof kasta oo ku nool Switzerland. Waxay fulin karaan sharciyada waxayna dacwad ku oogi karaan danbiyada.
Booliisku adiga ayay kuu shaqeynayaan. Xaqiiji inaad booliiska u sheegto haddii aad waajahayso ama aragto danbi. Haddii aad khatar ku jirto, wac lambarka xaalada degdega ah ee 117 isla markaba.

Baaritaannada ay sameeyaan booliisku
Booliisku waxay u joogaan sugida nabadgalyada dadwaynaha iyo kala danbaynta sidaas awgeedna waxay baari karaan dadka. Marka ay sidaas dhacdo, waa muhiim in qof kasta muujiyo qadarin. Tan ayaa yareynaysa carqalad kasta waxayna sahlaysaa in baaritaannada si sahlan loo sameeyo.
Haddii ay booliisku ku baaraan, waa inaad tustaa aqoonsigaaga ama aad ku bixisaa aqoonsigaaga qaab kale.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Raac tilmaamaha booliiska oo si anshax leh u dhaqan. Haddii aadan fahmayn su’aal ama tilmaan, keliya dheh: «Ich verstehe Sie nicht.» («Ma fahmaayo.»).
- Mar kasta gacmahaagu ha muuqdaan oo marna ha taaban sarkaal booliis ah.
- Sheegista magac iyo ciwaan been abuur ah waa danbi.
- Saraakiisha booliiska ayaa xaq u leh inay ku xiraan si ay kuu waydiiyaan su’aalo dheeri ah.
- Saraakiisha booliiska ayaa loo ogol yahay inay baaraan dharkaaga, boorsooyinka iyo agabka kale ee aad wadato si ay u xaqiijiyaan ama uga hortagaan danbi dhici kara.
Hase yeeshee, saraakiisha booliisku waa inay sidoo kale ilaaliyaan xeerarka ayna u dhaqmaan si haboon.
- Waa inay sabab u haystaan (ujeedo gaar ah) si ay u sameeyaan baaritaan shaqsi ah. Sida xeerku yahay, waa inay sharxaan sababta ay u samaynayaan baaritaanka.
- Labiska booliiska ayaa ah aqoonsi. Saraakiisha booliiska ee dharka shacabka xiran waa inay bixiyaan aqoonsigooda ayagoo ku tusaaya aqoonsigooda booliiska.
Haddii aad isleedahay in baaritaanka sifo sharci daro ah loo samaynaayo, waydii sarkaalka booliiska magaciisa kadibna meel ku qoro taariikhda, wakhtiga iyo goobta. Waxaad intaas kadib u sheegi kartaa dhacdada xafiiska cabashooyinka ee saldhiga booliiska ee ay qusayso.

Help and advice
Emergency assistance (free numbers 24 hours a day)
Die Dargebotene Hand – anonymous help for adults | Tel. 143
Pro Juventute – anonymous help for children and teenagers | Tel. 147
General and legal advice
Swiss refugee council | Tel. 031 370 75 75
Frabina – counselling for binational couples and families | Tel. 031 381 27 01
Advice in cases of domestic and sexual violence
Forced Marriage Service | Tel. 0800 800 007 (in German, French and Italian)
Professional association of counselling against violence – Help for perpetrators of violence (in German and French)
National competence centre for violence-free ageing | Tel. 0848 00 13 13 (in German, French and Italian)
Radicalisation and extremism
Contact points Radicalisation and extremism
Racism / Discrimination
LGBTIQ-Helpline | Tel. 0800 133 133
Counselling network for victims of racism (in German, French and Italian)
Reporting plateform for Online Racist Hate Speech
Foundation against racism and anti-Semitism (in German and French)