Zusammen sicher in der Schweiz

Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland

Soo-dhawaada!

Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.

Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.

Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.

Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa

  • Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
  • Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
  • Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
  • Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.

Dabagal kusamayn

Daba-dhigashada waxaa laga wadaa in si xiriir ah qofka loosoo waco ama dhibaataynta qofka kale inkasta oo uusan qofkaan uusan cadeyn inuusan doonayn falalka noocaas ah. Dabo dhigashada ayaa walwal badan ku noqon karta qofka saamayntu ku dhacayso. Falalka daba dhigashada waxaa ku jira waxyaabaha sida wicitaannada soo noqnoqda ee taleefanka, fariimaha hanjabaada leh, fariimaha iimeelka ee maalin kasta, booqashooyinka goobta shaqada ama guriga, hadiyadaha joogtada ah, iyo sidoo kale basaasida iyo kor ka joogtaynta. Xataa falalka keliga ah ee daba dhigashada ayaa ciqaab lagu mutaysan karaa.

Haddii qof uu ku daba dhigto

  • Si cad ugu sheeg si kama danbays ah in aadan dooneyn inuu wax xiriir ah kula sameeyo.
  • Kadibna ku adkayso waxa aad sheegtay: haka jawaabin wicitaannada, iimeellada, iwm., hana aqbalin wax hadiyado ah.
  • U sheeg dadka kuu dhowdhow, sida xubnaha qoyska, saaxiibada, dadka kula shaqeeya iyo dariskaaga. Way ku caawin karaan.
  • Qor dhammaan falalka daba dhigashada adoo qoraaya taariikhda, goobta, wakhtiga iyo marqaatiyaada (xasuus qorka daba dhigashada).
  • Codso talo Xarumaha caawimaada iyo booliiska ayaa ku garab istaagaaya.

Help and advice

Diese Seite verwendet Cookies. Erfahren Sie in unserer Datenschutzerklärung mehr darüber, wie wir Cookies einsetzen und wie Sie Ihre Einstellungen ändern können: Datenschutzerklärung