Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland
Soo-dhawaada!
Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.
Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.
Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
- Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
- Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
- Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.
Waxa aad samaynayso haddii rabshad dhacdo
Dhammaan falalka rabshada waa fal danbiyeed wadanka Switzerland – ayada oo aan loo eegayn inay ka dhaceen goob dadwayne ama guriga gudaha qoyska. Halkaan waxaad ka helaysaa talooyinka qaar si laguu difaaco laguuna taageero.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
Dhibaneyaasha rabshada ayaan lagu eedayn karin waxa dhacay. Danbiilaha keliya ayaa qaadanaya eedaynta.
Dalbo caawimaad. Marka ay jirto xaalad degdeg ah, wac 117. La hadal qof jooga xarunta caawimaada ama booliiska, xataa haddii talaabada rabshada leh ay dhacday wakhti hore.
Inta lagu jiro fal danbiyeedka
Haddii fal danbiyeed laguu gaysto, iskuday inaad samayso waxyaabaha soo socda:
- U sheeg booliiska adoo wacaaya 117 haddii ay jirto xaalad degdeg ah. Iskuday inaad siiso booliska macluumaad wax tar leh.
- Ka dheeroow danbiilaha oo ula hadal si dagan.
- Si toos ah uga codso dadka kale inay ku caawiyaan ama dareenka isku soo jeedi adigu, tusaale ahaan adoo dhahaaya «Adiga xiran jaakada cas, wac booliiska.»
Kadib fal danbiyeedka
- Waxba haka badelin goobta danbiga: ha burburin wax cadeyn ah.
- Ha hagaajin ama nadiifin waxba.
- Hana badelin dharka aad xirnayd.
- Ka codso dhakhtarka qoyskaaga ama isbitaalka inuu qoro dhaawacyada sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah (72 saac gudahood). Dukumiintiyada noocaas ah ayaa ah cadeyn muhiim ah.
- Hel caawimaad. La xiriir xarunta caawimaada ama booliiska (wac lambarka xaalada degdega ah ee 117 ama saldhiga booliiska ee aad doorato).
- Xarumaha caawimaada ama astaannada booliiska ayaa ku caawinaaya si lacag la’aan ah.
- Waxaad la xiriiri kartaa xarunta caawimaada adiga oo aan u sheegin booliiska.
- Dadka aan haysan aqoonsiga saxda ah ee daganaanshaha ayaa sidoo kale xaq u leh inay helaan caawimaad.
- Waxaad xaq u leedahay turjumaan haddii luuqada aadan fahmayn.
Caawimaad aad ka hesho xarunta caawimaada
Xarumaha kaladuwan ee caawimaada ayaa ku taageeraaya haddii ay rabshad ku qabsato (arag bogga ugu danbeeya).
- Way ku dhagaysan doonaan,
- waxay kuu sharxayaan xuquuqdaada iyo habraaca sharciga ee ku xigi kara,
- waxay ku siinayaan caawimaada dhimirka,
- waxayna kuu gaynayaan booliiska haddii aad rabto.
Waxaad la xiriiri kartaa xarunta caawimaada adiga oo aan u sheegin booliiska. Xarumaha caawimaadu waa inay ku waydiistaan ogolaansho kahor inta aysan la xiriirin booliiska.
Ka helista caawimaad booliiska
Haddii aad dooneyso inaad danbi u soo sheegto booliiska ama gudbiso cabasho, waxaad si toos ah u tagi kartaa midkood saldhigyada booliiska ee wadanka Switzerland.
- Sarkaalka booliiska ayaa wax kaa waydiin doona dhacdada qorina doona jawaabahaaga. Tan ayaa noqon karta wax walwal badan, ayadoo ku xiran xaalada.
- Waxaad xaq u leedahay inaad talo ka hesho xarunta caawimaada aadna qof aad ku kalsoon tahay soo kaxayso.
- Haddii dhacdaadu qusayso rabshad galmo, waxaa ku wareysan doona qof jinsigaaga ah haddii ay suuragal tahay.
- Qaado cadeyn kasta, sida sawirada, dharka, iwm., marka aad baxayso oo u gee booliiska.
- Waxaad xaq u leedahay turjumaan haddii luuqada aadan fahmayn.You have the right to an interpreter if language is a problem.
Dhacdooyinka daran waa la baari doonaa xataa haddii qof aan ahayn dhibanaha uu ku wargeliyay booliiska. Dacwada ama maxkamada ayaa go’aamin doonta ciqaabta.

Help and advice
Emergency assistance (free numbers 24 hours a day)
Die Dargebotene Hand – anonymous help for adults | Tel. 143
Pro Juventute – anonymous help for children and teenagers | Tel. 147
General and legal advice
Swiss refugee council | Tel. 031 370 75 75
Frabina – counselling for binational couples and families | Tel. 031 381 27 01
Advice in cases of domestic and sexual violence
Forced Marriage Service | Tel. 0800 800 007 (in German, French and Italian)
Professional association of counselling against violence – Help for perpetrators of violence (in German and French)
National competence centre for violence-free ageing | Tel. 0848 00 13 13 (in German, French and Italian)
Radicalisation and extremism
Contact points Radicalisation and extremism
Racism / Discrimination
LGBTIQ-Helpline | Tel. 0800 133 133
Counselling network for victims of racism (in German, French and Italian)
Reporting plateform for Online Racist Hate Speech
Foundation against racism and anti-Semitism (in German and French)