Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland
Soo-dhawaada!
Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.
Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.
Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
- Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
- Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
- Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.
Rabshada galmada
Rabshada galmada waxaa ku jira dhammaan noocyada falalka galmada qasabka ah iyo sidoo kale falka nooca galmada ah oo meel uga dhacaaya sharafta qofka. Waxaa jira noocyada kaladuwan ee rabshada galmada. Tuusaale ahaan:
- U dhawaanshaha jireed ee khaldan oo uu kugu sameeyo qof aadan aqoon oo kula saaran gaadiidka dadwaynaha
- Taabashada galmo ee aan haboonayn ee uu kuu gaysto qof kaa sareeya
- Sawirada aan la dooneyn ee nooca galmada oo uu kuu soo diro qof aad isku fasal tihiin
- Falalka galmada oo uu midkood labada lamaane kula kaco kan kale
Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa
- Isku dhawaanshaha jireed waa caadi keliya haddii labada dhinac isku raacaan.
- Falalka galmada ee ay gaystaan dadka waawayn kulana kacaan ilmaha kayar 16 sano ayaa guud ahaan ciqaab lagu mutaysanayaa sharciyan.
- Ma jiraan xeerar sheegaaya sida qofku u labisanaayo ama u dhaqmaayo marka uu banaanka joogo iyo marka uu keligiis yahayba. Ayadoo aan loo eegayn sida qofku u labisto ama haddii uu cabo khamro, dheelo, shukaansi aado ama habaynkii xili danbe wareego, habdhaqannada noocaas ah ayaan ka dhignayn inay doonayaan in la damaaciyo ama la taabto.
- Erayada, muuqaalka iyo ishaarooyinka oo keliya ayaa loo fahmi karaa nooc dhibaatayn galmo ah.
- Keliya inaan qofku diidin kama dhigna inuu aqbalay in lagu sameeyo damac galmo, taabasho, galmo, iwm. Waa muhiim in marka hore la xaqiijiyo in qof kale uu doonaayo inuu sameeyo falka galmada.
Haddii laguu gaysto fal nooc ahaan galmo ah
- Tag meel amaan ah.
- La hadal qof aad ku kalsoon tahay. Wuxuu noqon karaa macalin, madaxa xarunta, dhakhtar, ama qof jooga xarunta caawimaada ama saldhiga booliiska.
- Waxba haka badelin goobta danbiga: ha burburin wax cadeyn ah.
- Ha qubaysan.
- Ha hagaajin ama nadiifin waxba.
- Hana badelin dharka aad xirnayd.
- U diyaar garoow baaritaan caafimaadka (tusaale isbitaalka) sida ugu dhakhsaha badan.

Help and advice
Emergency assistance (free numbers 24 hours a day)
Die Dargebotene Hand – anonymous help for adults | Tel. 143
Pro Juventute – anonymous help for children and teenagers | Tel. 147
General and legal advice
Swiss refugee council | Tel. 031 370 75 75
Frabina – counselling for binational couples and families | Tel. 031 381 27 01
Advice in cases of domestic and sexual violence
Forced Marriage Service | Tel. 0800 800 007 (in German, French and Italian)
Professional association of counselling against violence – Help for perpetrators of violence (in German and French)
National competence centre for violence-free ageing | Tel. 0848 00 13 13 (in German, French and Italian)
Radicalisation and extremism
Contact points Radicalisation and extremism
Racism / Discrimination
LGBTIQ-Helpline | Tel. 0800 133 133
Counselling network for victims of racism (in German, French and Italian)
Reporting plateform for Online Racist Hate Speech
Foundation against racism and anti-Semitism (in German and French)