Zusammen sicher in der Schweiz

Ku wada noolaanshaha si badqab leh wadanka Switzerland

Soo-dhawaada!

Dastuurka Federaalka ee Swiss ayaa qeexaaya xeerarka aasaaska u ah ku wada noolaanshaha Switzerland wuxuuna ka wada sareeyaa dhammaan sharciyada kale. Ma jiro sharci kale oo jebin kara dastuurka.

Dhammaan dadka ku nool Switzerland ayaa leh xuquuq iyo wajibaad kuwaasoo ku cad Dastuurka Federaalka ee Swiss iyo sharciga dalka. Kuwaan ayaa quseeya madax banaanida nooca siyaasada, diinta, bulshada iyo fikradaha kale ama caqiidooyinka qofku lahaan karo.

Dastuurka Federaalka waxaa ku jira xuquuqaha aasaasiga ah.

Qodobyada soo socda ayaa lagu dhaqmayaa

  • Dadka oo dhan waa siman yahay sharciga hortiisa. Takoorka iyo isir nacaybku waa mamnuuc.
  • Ragga iyo dumarku waxay leeyihiin xuquuq siman waxayna go’aansadaan noloshooda gaarka ah.
  • Qof kasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, marka uusan fikirkiisu aflagaado ku ahayn, khatar gelinayn ama rabshad kula kacayn dadka kale
  • Qof kasta xor ayuu u yahay inuu doorto diintiisa uuna ku dhaqmo diintiisa si nabad ah.

Khamrada iyo daroogada

Isticmaalka khamradu waa sharci laga bilaabo da’da 18 sano; calaqa iyo biirka ayaa la ogol yahay in la cabo laga bilaabo da’da 16.

Qof kasta oo ay dhiigiisa ku jirto khamro ka badan 0.25 mg/l ayaan intaas kadib loo ogolayn inuu wado gaari, mooto, iskuutar elektarooniga ah, baaskiil ama gaari kale.

Sigaarku waa ka mamnuuc tareennada, caasiyada, basaska, doomaha iyo goobaha xiran ee bulshada sida maqaayadaha.

Waa mamnuuc in la haysto, la isticmaalo, la soo saaro lana iibiyo daroogada sida heroin-ta, kookaynta, ecstasy, xashiiska iyo marijuana. Hase yeeshee, maadooyinka xashiiska (kayar 10 garaam) ayaa loo ogol yahay isticmaalka shaqsiga ah.

Help and advice

Diese Seite verwendet Cookies. Erfahren Sie in unserer Datenschutzerklärung mehr darüber, wie wir Cookies einsetzen und wie Sie Ihre Einstellungen ändern können: Datenschutzerklärung